Mucaaradka Lafta-gareen oo u dhoofay Dhuusa-mareeb si ay Xasan Sheekh taageero uga helaan
Sep 30 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka ay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ka dhoofaan wafdi balaaran oo ka socday mucaaradka madaxweynaha Koofur Glabeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Sida wararku sheegayaan, xubnahan oo ay hormuud u yihiin gudoomiyayaashii hore ee baarlamaanka dalka ayaa ku wajahan magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimada maamulka Galmudug, halkaasoo uu mudo kudhow 50 cisho uu ku sugan yahay madaxweynaha dowladda Soomaaliya.
Xubnaha saaka dhoofay oo ay hormuud yihiin Prof. Jawaari, Shariif Xasan Sheekh, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo mas’uuliyiin kale ayaa doonaya iney taageero weydiistaan madaxweyne Xasan Sheekh, maadaama uu qeyb ka ahaa heshiiskii dhawaan mucaaradkan iyo Lafta-gareen ay Baydhabo ku saxixidaan, iyagoo tirsanaya in qodobada qaar ee heshiiskaasi aan la fulin.
Lama oga iney taageerada ay doonayaan ay kasoo heli doonaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo inkale, waxaas ejira warar sheegaya in mudooyinkan aysan isku fiicneyn madaxweyne Xasan iyo madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed.
Xubnahan ayaa shalay munaasabad ay ku qabsadeen magaalada Muqdisho uga dhawaaqay qorshe ka dhan ah madaxweyne Lafta-gareen, iyagoo ku goodiyay iney xoog ku gali doonaan Baydhabo, hadii maamulka halkaasi kajiro isku dayo inuu u diido iney diyaarad ku galaan xarunta gobolka Baay, si ay ololohooda uga sameystaan.