Mucaaradka Madaxweyne Deni oo qaadacay Jadwalka Doorashada Guddiga PEC

Oct 24 (Jowhar.com)-Dallada ay ku midaysan yihiin mucaaradka Puntland ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aaddan Jadwalkii mudda kordhinta dowladda ee uu shaaciyay guddiga doorashada Puntland ee PEC.

Shir ay ku yeesheen Garoowe ayaa gebi ahaanba ku diideen jadwalka ay shaaciyeen Guddiga Doorashada Puntland iyiagoo ku tilmaamay sharci darro.

Dallada mucaaradka ayaa ka digtay in tallaabadan ay horseedi karto qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo Puntland ka dhaca, waxaana ay mas’uuliyadda wixii ka yimaada dusha ka saareen madaxweynaha mudda xileedkiisu gabaabsiga yahay ee Siciid Deni.

Mucaaradka ayaa ugu baaqay hoggaanka dhaqanka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland in meel looga soo wada jeesto damaca mudda kororsiga ee madaxweyne Deni, si dalka looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Guddiga PEC oo qaabilsan hirgelinta nidaamka qof iyo cod ayaa xalay sheegay in doorashada Baarlamanka iyo madaxtooyada loo asteeyay in ay qabsoonto 25 Feb ee sannadka 2024, taas oo ka dhigan in mudda kordhin loo sameeyay dowladda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More