Dec 09(Jowhar)-Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa si adag u canbaareysay xadgudubyada ay ciidamada amniga iyo mas’uuliyiin dowladeed ka geysteen xaafadda Dab-damiska, halkaas oo ay ku jiraan boob, hanjabaad, jir dil, iyo xarig ka dhan ah dad danyar ah oo horey looga barakiciyey guryahooda.
Madashu waxay sheegtay in dadka dhibaateysan ay horey ugudbiyeen cabashadooda, balse halkii laga dhageysan lahaa ay taa beddelkeeda kula kulmeen xadgudubyo ka sii daran kuwii hore. Waxay tilmaameen in dhacdadan ay ka tarjumeyso meel ka dhac ku saabsan xuquuqda muwaadiniinta iyo mas’uuliyad darrada maamulka dowliga ah.
Madasha waxay ku baaqday in:
• ciidamada amniga iyo mas’uuliyiinta la joojiyo tallaabooyinka sharci-darrada ah,
• dadka la caburiyey si degdeg ah xorriyadooda loogu soo celiyo,
• madaxweynaha DFS uu joojiyo boobka, barakicinta joogtada ah iyo xadgudubyada,
maadaama ay dhaawacayaan dadweynaha danyarta ah iyo sumcadda dowladnimada.










