Mucaaradka Puntland oo ku dhawaaqay iney doorasho gaar ah qabsanayaan 8 January

July. 26 (Jowhar.com)-Wasiirkii hore ee maamulka Maaliyada maamulka Puntland Xasan Shire Faarax Abgaal ayaa kahor-yimid go’aankii shalay kasoo baxay baarlamaanka Puntland ee lagu meel mariyay in la furo dastuurka maamulkaasi.

Xasan Shire oo ku hadlayay afka mucaaradka maamulkaasi ayaa si cad u sheegay iney doorasho gaar ah qabsanayaan siddeeda january 2024, haddii uu Madaxweyne Deni isku dayo inuu muddo kororsi sameeyo.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa tilmaamay inuu Deni lalauushay xildhibanaada, taasoo soo dadjaisay iney si aqlabiyad leh ku ansixiyan furista dastuurka oo ay ku xusan tahay in doorashada soo socota ay noqoneyso mid qof iyo cod ah ah.

Si kastaba, Xasan Shire waxa uu sheegay tallaabadii uu shalay qaaday baarlamaanku inay ahayd sharci ku tumasho iyo in madaxweyne Deni uu rabo inuu masiirka Puntland ka dhigo wax uu sida uu doono u maamulanayo, isagoo ka digay cawaaqibka xumada ka dhalan kara tallaabooyinka uu qaadayo.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay maamulka Puntland oo Jawaab u ah eedaha uga yimid mucaaradka, iyadoo xaalada magaalada Garoowe ay sii cakirmeyso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More