Xaaladda nabadgelyada ee caasimadda Muqdisho ayaa xalay ooIsniin ahayd, 25 Oktoobar, 2021, gashay weji cusub oo xasaasiah, ka dib markii weeraro qorsheysan oo is-xigxigay ay ka dhaceen degmooyinka Wadajir iyo Waaberi, kuwaas oobartilmaameedkoodu ahaa saraakiil iyo shaqaale ka tirsanhay’adaha kala duwan ee dawladda Soomaaliya. Sida ay xaqiijinayaan ilaha dhinaca ammaanka ah, kooxo hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa fuliyeyweeraradii ugu dambeeyey ee lagu khaarajinayo xubnaha u adeega dowladda.
Sida ay sheegeen ilo wareed, weerarka u horreeyay oo ahaa mid si xirfadeysan loo soo qorsheeyey ayaa ka dhacay WaaxdaTimo-cadde ee degmada Wadajir abaare 8:30 – 8:40 fiidnimo.
Goob-jooge magaciisa qariyay ayaa sheegay in rag kuhubeysnaa bastoolado ay weerar gaadmo ah ku qaaday Sarkaallagu magacaabo Dhaqane, oo ka tirsanaa Ciidanka Booliiska iyoxaaskiisa oo lagu magacaabo Raxmo Cali oo ka tirsanMaamulka Gobolka Banaadir.
Waxa kale oo uu tilmaamay in xilliga weerarku dhacayey, Dhaqane iyo Xaaskiisa ay kaga degayeen mooto bajaaj afaafkahore ee gurigooda. Sarkaalka ayey wararku xaqiijiyeen in uu islagoobta ku geeriyooday, halka xaaskiisa uu soo gaaray dhaawacculus, iyadoo ay xusid mudantahay in darawalkii mootadii ay la socdeen uu isagana soo gaaray dhaawac fudud, Raxmo Cali iyoDarawalkii mootada ayaa dhaawacii soo gaaray loogadabiibayaa Isbitaalka Madiina.
Saraakiil ammaan ayaa ku xog-warameen in daqiiqado yar ka dib, weerar labaad oo loo adeegsaday qaraxa bambaano nuucabambo gacmeedka loo yaqaano ayaa ka dhacay degmadaWaaberi, gaar ahaan Waaxda Maajo. Weerarkaan ayey wararkusheegayaan in lagu beegsanayay marwo lagu magacaabo Ikraan Xeydar oo ka tirsan Shaqaalaha dowladda gaar ahaanWasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda FederaalkaSoomaaliya. In kasta oo bartilmaameedka koowaad uubadbaaday, hadana bambaanada oo guriga lala beegsadaygudihiisa ku qaraxday waxaa ku dhaawacmay ninka qabamarwadaan oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Madoobe iyo mid ka mid ah carruurtooda.
Laamaha Amniga Dowladda ayaa sheegay in baaritaannoxooggan ay ka socdaan nawaaxigii ay xalay dhacdooyinkaasi ka dhaceen, iyadoo la dareemayo in kooxda Al-Shabaab oo la aaminsanyahay in ay weeraradaan fulisay ay mudooyinkaandambe kordhisay isticmaalka xeeladaha qaraxyada iyotoogashada tooska ah ee ka dhex dhaca xaafadaha caasimaddagaar ahaan xilliyada habeenkii.










