Muran ka taagan gudaha garoonka Adan Cadde kadib amar culus oo dowladda kasoo baxay

Sep 05 (Jowhar.com)-Waxaa maalintii afaraad oo xiriir ah hakad ku jiro alaabihii Cargo-ga ee ay qaadi jireen diyaaradaha ka duula garoonka caalamiga ah Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in arrintanay salka ku hayso ka dib markii diyaaradaha laga dalbay in ay bixiyaan lacago canahuur ah oo loogu dhufanaayo  calaa Kiilo, taasi oo ay sheegeen in aysan suura gal ahayn.

Mid kamid ah mas’uuliyiinta shirkadaha ka shaqeeya qaadista alaabaha Cargo-ga ayaa sheegay in dowladda ay kusoo rogtay canshuur ah in halkii kilo ay ka dooneyso $1, taasoo ay ka biyo diideen shirkadaha arrimahaasi ka shaqeeya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in laga soo bilaabo maalintii Sabtida aaney garoonka Aadan Cadde ka bixin alaabaha Cargo ee loo qaado guud ahaan gobolada.

Inta-badan Cargo-ga Waxaa loo qaadi jiray hay’adaha samafalka sida Kuwa QM, hay’adaha kale ee caalamiga ah Kuwa dowladda iyo Kuwa madaxa banaan.

Dowladda ayaa la sheegay iney halkan ka aragto in ay ku jirto lacago badan oo dakhli ah oo ka soo xaroon karto, Ma cadda sida loo qaadi lacagahan iyo xalka ugu dambeeya ee arintan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More