Museveni oo markii toddobaad loo dhaariyay madaxtinimada dalka Uganda

In ka badan 4,000 oo qof, oo ay ku jiraan madax ka socota qaaradda Africa ayaa ka soo qaybgalay xafladda dhaarinta Madaxweyne Yoweri Museveni oo ka dhacday caasimadda Uganda ee Kampala.

Hogaamiyaha 76 jirka ah, ayaa loo dhaariyay markii toddobaad xilka madaxtinimada dalka Uganda.

Muddada cusub ee shanta sano ah ee loo dhaariyay ayaa ka dhigi doonta haddii uu dhamaysto Museveni inuu muddo 40 sano soo xukumayay dalkiisa,wuxuuna ka mid noqon doonaa hoggaamiyeyaasha ugu muddada dheer Afrika.

Soddonkii sano ee la soo dhaafay ee uu hogaaminayay, Uganda waxay ku talaabsatay horumar la taaban karo oo xagga horumarka bulshada iyo dhaqaalaha ah.

Laakiin hogaamiyaha gaboobay ayaa sidoo kale lagu dhaleeceeyay inuu si adag ula macaamilo cid kasta oo la tartameysa.

Dalka Uganda ayaa waxaa ka dhacay mowjad caburin ah oo dhinaca mucaaradka sanadkii la soo dhaafay, iyadoo boqolaal ka mid ah taageerayaasha mucaaradka la xiray halka qaar kale oo badanna la la’yahay.

Ammaanka magaalada Kampala ayaa aad loo sugay iyadoo la geeyay ciidamo aad u hubeysan oo amniga suga caasimada, Kampala.

Madaxda ka qeybgashay xaflada caleemasaarka ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More