Mushaarka Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Hey’adda NISA oo la kordhiyay

July 28 (Jowhar.com)-Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad , ayaa kor u qaaday dhammaan mushaaraadka ay qaataan Saraakiisha, Ciidamada iyo howlwadeenada kale ee ka tirsan Hay’adda.

Markii ugu horaysay ayaa Mushaarka Saraakiisha iyo ciidanka Hay’adda NISA waxay la mid noqdeen mushaaraadka ciidamada kale ee Qaranka, halka markii hore ay ka hooseeyeen.

Isbadallada lagu sameeyey Mushaaraadka Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Hey’adda NISA ayaa laga dhigey sidan;

1- G/le Markii hore waxa uu Mushaar u qaadan jiray 400$,halka hada laga dhigay 500$.

2- Jaamici waxa uu qaadan jiray 300$, halka hada looga dhigay 350$.

3- Qofka wata Shahaado Dugsi sare markiisii hore waxa uu qaadan jiray mushaar dhan 200$, hadana waxaa looga dhigay 300$.

4-Mudane ama shaqaalaha caadiga ah ee aan shahadada heysan waxa uu qaadan jiray 150$, waxaana iminka looga dhigay 200$.

5- Askariga dablaha waxa uu mushaar ahaan markii hore loo siin jiray 150$, balse hada waxaa looga dhigay 200$.

Sidoo kale Taliyaha Hey’adda NISA Mahad Salaad ayaa go’aamiyay in askarta iyo saraakiisha hey’adda ee geeriyooda ay qoysaskooda xuquuq ka heli doonaan dowladda, halka markii hore aysan laheyn wax xuquuq ah.

Mushaar kordhinta ciidanka, saraakiisha iyo howlawadeenada hay’adda ayaa ka danbeeyay kadib markii dib u eegis lagu sameeyay shaqsiyaad badan oo hey’adda aanan u shaqayn oo dhaqaale badan qaadan jiray iyo kuwa kale oo qaadan jiray xuquuq ka badan inta ay xaqa u leeyihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More