Musharax Aqalka Sare oo magaalada Jowhar kaga dhawaaqay inuu tanaasulay

Muxidiin Xasan Afrax oo ka mid ahaa musharaxiinta ku tartamaysay kuraasta Aqalka Sare ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle ayaa ku dhawaaqay inuu ka tanasulay tartanka doorashada kuraasta Aqalka Sare.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Muxidiin Xasan Afrax oo ka mid ahaa ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed ayuu ku sheegay inuu go’aansaday inuu ka qeyb galin tartanka, maadaama kursiga uu u tartamayay ay ku jiraan musharaxiin badan.

Kursiga uu tartamayay Muxidiin Xasan Afrax ayaa waxaa ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay Muuse Suudi Yalaxow waxaana ku tartamaysa illaa shan musharax. Kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabelle oo gaareysa illaa siddeed kursi ayaa waxaa ku tartamaysa illaa soddon musharax.

Hase yeeshee waxaa jira in qaar ka mid ah musharaxiinta ku soo baxday liiska tartanka doorashada aysan weli qaadan shahaadada musharaxnimada, tirada musharaxiinta oo gaareysa 32 ayaa waxaa ka qaadatay 26 musharax shahaadada tartanka.

Musharaxiinta Aqalka Sare ee lagu soo dooranayo magaalada Jowhar ayaa musharax walba ee hadda la diiwaangeliyay waxa uu bixiyay lacag gaareysa 22,000 oo dollar iyadoo hore guddiga doorashada ay u shaaciyeen in musharaxa laga doonayo 20,000 oo dollar.

Maalinta berri ee ah Axad 12ka bisha September ayaa lagu wadaa in ay musharaxiinta qaadatay shahaadooyinka ay qudbadahooda u jeediyaan xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle sida ay hore ugu shaaciyeen jadwalka guddiga doorashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More