Musharax Daahir Geelle iyo Safiirka Talyaaniga oo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka

Mar 10 (Jowhar.com)-Musharrax Madaxweynaha Soomaaliya Amb, Daahir Maxamuud Geelle ayaa Maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho waxaa uu ku qaabilay Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya, mudane Alberto Vecchi oo soo booqday.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, waxayna isla falanqeeyeen hannaanka doorashooyinka iyo marxaladda kala guurka ah ee ay Soomaaliya ku jirto.

“ Waxaan uga mahadceliyay kaalinta mugga leh iyo taageerada micnaha leh ee uu dalkiisa la garab taagan yihiin Soomaaliya ayuu yiri” Musharrax Madaxweyne ee Daahir Geelle.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Musharrax Madaxweynaha Soomaaliya Amb, Daahir Maxamuud Geelle waxaa uu waday kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo Wakiilada Beesha Caalamka, waxaana uu la kulmay Danjiraha Dowadda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya mudane Maxamed Axmed Alcuthmaan & Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya mudane Larry André.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More