Musharax Geelle oo Baaq u direy Xildhibaanada cusub ee la soo doortay

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa uga baaqay xildhibaanada ku soo baxay doorashada golaha shacabka inay badbaadiyaan dalka ayna soo doortaan qofkii danta dadka iyo dalka ka shaqeyn lahaa.

Daahir Maxamuud Geelle oo dalka ku soo laabtay kadib markii uu toddobaadyadii la soo dhaafay ka maqnaa ayaa xusay in xildhibaannada cusub ee la doortay ka sokow Alle ay gacantooda kujirto badbaadada dalka.

”Mararka qaar Xildhibaannada waxaa lagu leeyahay anagaa kusoo saaranay taasina ,ma aha abaaldhigasho laakiin xuquuq iyo awood iyo sharaf uu leeyahay ayaa lagu dhimayaa,deegankaaga iyo dalkaaga oo la duleeyay ayaa lagaaga abaaldhiganayaa,”ayuu yiri Musharax Geelle.

Musharax Geelle ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku xusay in looga baahan yahay xildhibaanada inay fiiriyaan waxa ku dhacay kuwii ka horeeyay oo haatan dhabarka loo jeediyay.

“Soomaliya sida ay ku jirto kuma sii jiri doonto,baarlamaanka cusub waxaa looga fadhiyaa in uu waddo haboon u jeexan dalka oo isbedel la helo,waxaan ka mid ahay dadka ugu xogogaalsan xaalada dalka waa in isbedel la helaa.”ayuu hadalkiisa sii raaciyay musharax Geelle oo xilal kala duwan ka soo qabtay shantii sano ee la soo dhaafay.

Musharax Geelle oo ka mid ah golaha midowga musharaxiinta ahna afhayeenka Musharaxiinta ayaa rajo ka muujiyay in isbedel uu ku iman doono hoggaanka dalka kadib doorashada wadanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More