Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir oo ka hadlay 15 Xildhibaan ee loo diiday Golaha Shacabka

Warsaxaafadeed uu soo saaray Musharax Madaxweyne JFS Dr. Abdinasir Abdille Mohamed ayuu kaga hadlay xannibaada uu guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kusoo rogay 15 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka in aanay kasoo qeyb geli karin kulamada golaha isagoo ku tilmaamay sharci darro iyo jabin dastuurka dalka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Dr. Abdinasir wuxuu kale oo uu sheegay in Guddoonka Baarlamaanka uu ku dhaqaaqay tallaabo halis ku ah dowlad dhisidda iyo dimuqraadiyadda curdinka ah ee ka hanaqaadday dalka muddadii u danbaysay, isagoo ku eedeeyey Guddoonka golaha shacabka inuu ka shaqeynayo muddo kordhin sharci darro ah oo loo sameeyo hay’adaha dowladda ee muddo xileedkoodu dhammaaday.

“ Guddoomiyaha Baarlamaanku wuxuu muujiyey la jiritaankiisa dhanka Madaxtooyada halkii uu la jirsan lahaa uuna difaaci lahaa dastuurka iyo shuruucda dalka u yaal. Kulamada Baarlamaanka waa inay noqdaan kuwa ka madax bannaan guluf colaadeed, isqabqabsi iyo kooxaysi si aan looga sii darin qalalaasaha dastuur ee dalka kajira.” ayuu yiri Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir Abdille.

Wuxuu Musharaxu cambaareeyey falka ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee lagusoo dhex daadiyey ciidanka dharcadka ee NISA isagoo ku tilmaamay nasiib darro in Xildhibaanada la caburiyo.

“ Waxaan uga digaynaa Xukuumadda inay soo farageliso kulamada Baarlamaanka oo ay ka deyso ciidamada dharcadka ah ee hubaysan oo ay kusoo dhex daadisay xarunta golaha,cabsi gelinta iyo u cagajuglaynta Xildhibaannada Baarlamaanka wax la aqbali karo maahan waxaana ka dhalan karta dhib aan la mahdin doonin, Guddoomiye Mursal ayaa qaadi doona masuuliyadda dhibkii ka dhasha gudaha xarunta iyo nabadgelyada mudanayaasha Baarlamaanka.” ayuu kusoo gabogabeeyey hadalkiisa.

Waxaa taagan xiisad siyaasadeed ee u dhaxaysa Xildhibaanada mucaaradka iyo kuwa taageera Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday si loogu kordhiyo muddo labo sano ah kadib khilaafka u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo gaaray heerkii ugu sarreeyey tan iyo markii la doortay Dowladda hadda jirta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More