Musharaxiinta Aqalka Sare oo bilaabaya maanta inay qudbado u jeediyaan xildhibaanada Hirshabelle

Musharaxiinta u tartamaysa kuraasta Aqalka Sare ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle ayaa maanta bilaabaya in ay qudbadahooda ka hor jeediyaan xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.

Liiska musharaxiinta is diiwaangalisay ee u tartameysa Aqalka Sare ee Hirshabelle ku matalaayo oo xalay kama dambayn la soo saaray ayaa waxa ay gaarayaan 27 musharax kuwaasoo ku tartamaya 8 kursi.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen oo dhawaan shaaciyay liiska musharaxiinta Aqalka Sare Hirshabele ayaa waxa ay ka koobnaayeen 33 musharax, hase yeeshee illaa lix musharax ayaa buuxin waayay shuruudihii loogaga baahnaa halka mid kamid ah musharaxiinta oo lagu magacaabo Muxidiin Xasan Afrax uu shaaciyay inuu ka haray doorashada.

Guud ahaan amaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay waxaana laga yaabaa in dhagaysiga qudbadaha musharaxiinta ay socoto muddo maalmo ah.

Waxaa magaalada Jowhar si weyn looga dareemayaa olole ay wadaan musharaxiinta waxaana xodxodashada xildhibaanada Baarlamaanka ay ka socota hotelada waaweyn ee magaalada Jowhar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More