Muuse Biixi oo saaka ku wajahan deegaanka Oog iyo SSC oo heegan galisay ciidankeeda
Sep 01 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan deegaano kamid ah gobolka Sool, halkaasoo ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweyntiisa.
Safarkan waxaa madaxweynaha ku wehlinaya wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo deegaanada uu tagayo kasoo jeedo, si gaar ah waxa uu madaxweyne Muuse Biixi saldhiggan doonaa deegaanka Oog.
Deegaankan waa halka ay gobolka Sool kaga sugan yihiin ciidamada Somaliland oo laga soo saaray dhamaan saldhigyadii iyo difaacyadii ay halkaasi kaga sugnaayeen.
Madaxweyne Muuse waxaa la filayaa inuu warbixin ka dhageysto askarta iyo saraakiisha ciidanka Somaliland ee kasoo badbaaday dagaalkii cuslaa ee Jimcihii todobaadkii hore ka dhacay gooblka Sool, waxaa sidoo kale la filayaa inuu madaxweynaha iclaamiyo duulaan ka dhan ah SSC.
Dhanka kalena, SSC Khaatumo ayaa lagu soo waramayaa iney adkeeyeen difaacyadooda isla mar ahaantaasina ay heegan galiyeen ciidankooda, waxaana jirta baqdin ah inuu dagaal kale ka qarxo qeybo kamid ah gobolka Sool.