Muuse Biixi oo u ambabaxay dalka Ethiopia

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Bixi Cabdi ayaa goordhaw u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, kadib casuumad uu ka helay ka helay Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Booqashada Madaxweynaha Somaliland ee dalka Ethiopia ayaa la sheegay inay la xiriirto sii xoojinta xiriirka maamulka Somaliland uu la leeyahay wadanka Ethiopia.

Magaalada Addis Abbaba ayaa waxaa hore ugu sugnaa madax ka socota Maamulka Somaliland oo uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibada Somaliland iyo saraakiil kale.

Dowlada Ethiopia ayaa qeyb ka ah maamulka dekeda Berbera hase yeeshee dowlada Ethiopia ayaa tan iyo markii ay dagaalka ku qaaday gobolka Tigrey waxaa istaagay xiriirkii iskaashi ee ay la lahayd Maamulka Somaliland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More