Muuse Geelle oo gaaray magaalada Kismaayo

April 17 (Jowhar.com) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf iyo xubno ka mid ah guddiga doorashooyinka ayaa waxaa ay gaareen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Booqashada wafdigan ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay salka ku haysaa sidii ay goobjoog ugaga noqon lahaayeen doorashada lagu wado in berri ay ka dhacdo magaalada Kismaayo taasoo lagu soo dooranayo xubin ka mid ah golaha shacabka kadib markii uu dhawaan geeriyooday xildhibaankii kursigaasi ku fadhiyay.

 

Wararka ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in wafdiga guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ay u sii gudbi doonaan magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo halkaas oo loo asteeyay in lagu qabto doorashada 16 kursi oo ka tirsan golaha shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More