Muuse Geelle oo loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Heer Federal

Muuse Geelle Yusuf ayaa ku guuleystay doorashada Guddoomiyaha Guddiga FEIT, isagoo helay codod dhan 14 cod, halka C/raxiin C/casiis Aadam oo la tartamayay uu helay 11 cod.
Muuse Geelle ayaa si weyn looga ololeynayay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isagoo garab ka helayay qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta.
Sidoo kale C/raxiin ayaa isna taageero ka helayay Madaxtooyada iyo xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta.
Waana markii u horeysay ee Musharaxiinta ay ku kala aragti duwanaayeen doorashada Guddoomiyaha Guddiga FEIT

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More