Muwaadin Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay dalka Koofur Afrika.

June 07 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay wadanka Koofur Afrika loogu geystay muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dhalinyarada u shaqa doonatay wadankaasi ee sida weyn loo yaqaanay.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Xasan (Balaakii), ayaa dilkiisa ka dhacay deegaanka Nyanga oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika, waxaana la sheegay in burcada ay rasaas dhowr xabo ah kaga dhufteen qeybaha sare ee jirka, taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in kooxihii falkan ka dambeeyay ay dilka kadib goobta isaga tageen iyagoo wax dhac ah aaney u geysan muwaadinka Soomaaliga ah ee ay dileen oo ku ganacsanayay gaari uu ku wareejin jiray Rootiga.

Wadanka Koofur Afrika waxaa ku batay dilalka loo geysanayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee u shaqa doonatay, iyadoo todobaadkan kaliya dalkaasi lagu dilay saddex Soomaali ah, mana jirto dowlad u istaagtay wax ka qabashada beegsiga Soomaalida u ganacsi doonatay wadankaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More