Muxuu ra’iisul wasaare Xamze kala hadlay qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres?

Secretary-General António Guterres (right) meets with Hamza Abdi Barre, Prime Minister of the Federal Republic of Somalia.

Sep 23 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamze Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay  ee New York kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Xoghayaha ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qarmada Midoobay iyo Soomaaliya.

Waxey si gaar iskula soo qaadeen sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah sida amniga, nabadda, horumarinta, isbeddelka cimillada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara.

Mr. Xamze Cabdi Barre ayaa qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres warbixin kasiiyay dagaalka dowladda ay kula jirto Shabaab iyo walaaca ay ku qabaan qorshaha dalka lagaga saarayo ciidamada ATMIS, xili dalka uu dagaal wajahayo.

Antonio Guterres ayaa balanqaaday iney sii laba jibaarayaan taageerada ay siiyeen dowladda Soomaaliya, wuxuuna xukuumada Soomaaliya ku amaanay howlaha muhimka ah ee ay qabatay mudada sanadka iyo barka ah ee ay jirto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More