Muxuu Sheekh Aadan Madoobe kala hadlay Katriona Laing?

Aug. 14 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Katriona Laing iyo wafdi ay hoggaamineysay.

Ergeyga oo marka hore warbixin ka siisay booqashooyinkii ay ku tagtay maamul gobaleedyada dalka ayaa waxay Guddoomiyaha la wadaagtay sida loogu taageeri lahaa arrimaha horumarinta dalka, xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaariijta oo meel wanagsan maraya.

Sidoo kale waxay xustay sidii Baarlamaanka kaalin uga qaadan lahaa war-murtiyeedkii Golaha Madasha Wada-tashiga Qaranka.

Dhanka kale Marwo Katriona ayaa adkeeysay ahmiyadda ay leedahay taageerada Baarlamaanka iyo sidii loogu taageeri lahaa tayaynta khibrada Xildhibaannada iyo howlwadeennada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gunnaanadka kulanka boggaadiyay shaqada baaxada leh ay u heeyso Qaramada Midoobay taageerada joogtada iyo kor u soo qaadida nabada iyo xasiloonida dalka, waxaana uu tilmaamay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ka shaqeyn doono waxkasta oo dan u ah qaranimada iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More