Nabadoon Caan ahaa oo si yaab leh loogu dilay degmada Afgooye.

August 01 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil kooxo bistoolado ku hubeysan ay degmada Afgooye ee gobolka Sh.Hoose ugu geysteen nin nabadoon ahaa, kaasoo si weyn looga yaaanay magaaladda.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Aadan Abshir Maaddeey waxa uu dilkiisa ka dhacay nawaaxiga saldhigga booliska Afgooye, waxaana uu ka soo baxay hoygiisa oo aan halkaasiba ka fogeyn.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in marxuumka xiliga la tooganayay uu sugayay mooto qaada, balse waxaa u soo istaagtay mooto ay saarnaayeen laba dhalinyara ah oo hubeysan, iyadoo rasaas ay qeybaha sare ee jirka kala dhaceen xili uu islahaa raac mootada oo goobtooda shaqada ku aad.

Ciidamadda amaanka ayaa daqiiqado kadib tagay halka dilka uu ka dhacay, waxeyna sameeyeen howlgallo aan wax natiija ah ka dhalan, iyagoo meydka marxuumka ay qaadeen ciidamadda booliska.

Si kastaba, Amniga degmada Afgooye ayaa faraha ka sii baxaya iyadoo todobaadkii hore uu qarax ka dhacay suuqa ariga lagu dilay dad ku dhow 10 ruux oo shacab iyo askar isugu jiray.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More