๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฒ ๐ผ๐ผ ๐ธ๐๐น๐ฎ๐ป ๐น๐ฎ ๐พ๐ฎ๐ฎ๐๐ฎ๐ ๐๐ฒ๐’๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐บ๐ป๐ถ๐ด๐ฎ ๐ค๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ผ๐ฏ๐ผ๐น๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ป๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐ฟ
Mar. 25 (Jowhar.com)-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan kula qaatay Xafiiska Amniga Qaranka, heyโadaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo looga hadlay sugidda amniga caasimadda Muqdisho.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen madaxda Booliiska, Nabadsugidda, Gobolka Banaaid iyo Xafiiska Amniga Qaranka.
Ayaa waxa ay ku soo bandhigeen Istiraatiijiyadda hannaanka sugidda amniga caasimadda Muqdisho gaar ahaan xilligan lagu jiro bisha barakaysan oo kooxaha Khawaarijtu ay caadeysteen inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya iyo sidii guud ahaan ammaanka loo adkeyn lahaa.
Raโiisul Wasaare Xamse ayaa faray masuuliyiinta in heyโadaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir looga baahan yahay inay la yimaadaan feejignaan dheeri ah โ si Khawaarijtu aanay fursad ugu helin dhibaateynta shacabka bishan cibaadada Alle ku jira.