๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐ฐ๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฌ๐๐๐ซ๐๐ฒ ๐ ๐จโ๐๐๐ง๐ง๐จ ๐๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฐ๐๐ฃ๐๐ก๐๐ง ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐
Mar 06(Jowhar)Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Raโiisul Wasaaraha XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga hadlay dardargelinta dagaalka Khawaarijta, bogaadinta guulaha ciidanka, iyaga oo soo saaray goโaanno dhowr ah oo la xiriira amniga.
Goโaanno culus ee ay soo saareen Golaha Wasiirrada ayaa ku wajahan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo inta badan ka ratibmi doonaan tallaabooyin sharci iyo ciqaabo kala duwan.
Goโaannada uu goluhu soo saarayย waxaa ay kala yihiiin sidan
1-Golaha Wasiirradu waxa ay bogaadiyeen Ciidamada Qalabka Sida iyo geesiyaasha Ciidamada Madaniga ee dagaalka kula jira kooxaha Khawaarijta ah.
2-Sida sharciyadii iyo xeerarkii horay u marey Golaha Wasiirrada ku xusan, waxaa muwaadiniinta mar kale la xusuusinayaa inay mamnuuc tahay in si khaldan loo isticmaalo ama been abuur laga sameeyo, si toos ah amaba si dadban , iyada oo la isticmaalayo warbaahinta kala duwan oo baraha bulshada ay ka mid yihiin, qofkii lagu helana lala tiigsan doono tallaabooyin sharciga waafaqsan oo ay ka mid yihiin in maxkamad la soo taago, ciqaab adag oo sharciga waafaqsanna la marin doono.
3-Waxaa taa la mid ah muwaadinkii u oggolaada gurigiisa, rugtiisa ganacsi iyo gaadiidkiisa in lagu fuliyo fal dembiyeed amniga wax u dhimaya , waxa ay ka dhigan tahay adigoo si buuxda uga qeyb qaatey falal argagixisanimo oo wax u dhimaya nabadgelyada Qaranka, sida ku xusan xeerka ka hortagga iyo la dagaallanka argagixisada. Waxaa falalkan ka dhalan-doona ciqaab adag oo waafaqsan sharciga iyo xukunno adag oo la mid ah kuwa lagu qaado argagixisada. iyada oo tallaabooyinka ay laamaha amniga qaadi doonaan ay ka mid yihiin la wareegista iyo qarameynta hantida lagu geystay falalka argagixisonimo.
4- Sidan horeyba ugu digi jirnay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degaannada iyo tuulooyinka ay ka socdaan hawlgalada lagu sifeynayo argagixisada, waxaa mar kale DFS ay uga digeysaa shacabka inay ka fogaadaan kana taxaddaraan goobaha ay argagixisada Khawaarijta ku sugan yihiin, maadaama ay DFS goโaansatay in sare loo qaado hawlgallada cirka iyo dhulka ee ka dhan ah Khawaarijta banneysatey dhiigga shacabka.
5- Ugu dambeyn Amniga Garoonka- Waxaa la goโaamiyay in aan wax hub iyo gaadiid dagaal lala geli karin xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Faahfaahin sida qodobkan loo fulinayo waxaa dhowaan soo saari doona laamaha amniga.