๐–๐šsiir Biixi oo shirka IMF iyo Bangiga Adduunka uga qeyb galay Washington

Feb 25ย  (Jowhar)Isaga oo ka qeyb galaya shirarka loo dhan yahay ee Sanad laha IMF iyo Bangiga Adduunka ee 2024, ayuu Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa uu kulamo doceedyo miro-dhal ah la yeeshay masuuliyiin ka socotay Dalalka Qaaradda Yurub ee qeybta ka ah geeddiga Soomaaliya ee horumarinta dhaqaalaha, dhammaan kulamadaas ayaa salka ku haya horumarinta Dhaqaalaha guud iyo dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya.

๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐”๐Š

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ayaa wada-xaajiod midho-dhal ah Washington ku la yeeshay ๐Œ๐ซ. ๐๐ข๐œ๐ค ๐ƒ๐ฒ๐ž๐ซ oo ka socda Wasaaradda Arimaha Debedda iyo Horumarinta ee Dawladda UK. Kukanka ayaa diiradda lagu saaray sidii ay Dowladda UK u kordhin lahaayeen taageerada ay siiyaan Dowladda Soomalaiya, taas oo qeyb ka qaadanaysa dar-dar galinta qorshayaasha horumarineed ee dib-u-habaynta hanaanka dhaqaalaha guud ee Soomaaliya. โ€œWaxa aan sidoo kale is la qaadanay, in ay taageero mug leh siiyaan sanduuqa Hayโ€™adda Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka (IDA-21) kaas oo wareegan saddex-sanadlaha ah Soomalaiya u fidin doona taageero mug leh, oo noo saamaxaysa in aan labo-laabno maalgelinta aan ku samaynayno adeegyada aasaasiga ah ee dadweynaha.

๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐จ๐ซ๐ฐ๐š๐ฒ

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiimad gaar ah lahaa la qaatay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway haweenayda lagu magacaabo ๐€๐ง๐ง๐ž ๐๐ž๐š๐ญ๐ก๐ž iyo masuuliyiintii la scotay. Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda Norway kaalintii ay ka qaadatay in Soomaaliya ay ka baxdo dalalka loo yaqaano โ€˜kuwa ay la dageen Qaamahaโ€™ (๐‡๐ˆ๐๐‚) taas oo Dowladda Soomaaliya Masiib wanaag ay ka baxday dabayaaqadii 2023-kii.

๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐ฐ๐ž๐๐ž๐ง

Kulankan oo ka mid ahaa kulamo doceedyada Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige aey la yeesheen Wafdigii ka socday Dowladda Sweden, gaar ahaan gabadha lagu magacaabo ๐ƒ๐ข๐š๐ง๐š ๐‰๐š๐ง๐ฌ๐ž oo ah madaxa xafiiska horumarinta Siyaasadda iyo Diblumaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Sweden, wadahadalka labada dhinac waxaa ugu muhiimsanaa maalgalinta arrimaha isbadalka cimilada oo saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dunida oo Soomaaliya na ay qeyb ka tahay.

๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐ฉ๐š๐ข๐ง

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixinaya kulankii uu la qaatay Wafdiga Dowladda Spain ayaa yiri โ€œWaxa fursad ii ahayd in aan la kulmo ๐Œ๐ฌ. ๐๐š๐ฎ๐ฅ๐š ๐‚๐จ๐ง๐ญ๐ก๐ž oo ah Xoghayaha Guud ee Maamulka Lacagta iyo Maaliyadda Caalamiga ah ee Wasaaradda Maaliyadda Spain, iyada oo la gu jiro shirarka sanadlaha ah ee Bangiga iyo IMF. Waxa aan falanqaynay geeddigii dayn-cafinta Soomaaliya iyo dadaalada aan haatan wadno ee dib-u-habaynta Maaliyadda oo Dowladda Spain ay door muuqdo ku laheyd. Waxa aan u ga mahadceliyay doorka hormuudka ah ee wadankeedu ka ciyaaray hannaankii dayn cafinta, iyo wadashaqaynta togan ee ay la lee yihiin Dowladda Soomaaliyaโ€.

๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ž๐ง๐ฆ๐š๐ซ๐ค

Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan muhiim ah la qaatay wafdi ka socday Dowladda Denmark oo ay hoggaaminaysay ๐Œ๐ฌ. ๐‹๐จ๐ญ๐ญ๐ž ๐Œ๐š๐œ๐ก๐จ๐ง oo ah Xoghaya Horumarinta Siyaasadda Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Denmark, wadahalaka oo ku qotomay xiriirka labada dal ka sukoow waxaa la falanqeeyay doorkii Dowladda Denmark ay kulaheyd hannaankii deyn cafinta iyo wadamada ku bahoobay Naadiga Paris.

Dhammaam kulamadaas ay yeesheen Wafdiga Dowladda Soomaaliya ee Shirka Washington DC ayaa ku soo idlaaday natiijo horumar u ah Maaliyadda iyo dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More