10 qof oo ku dhimatay qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Aug. 10 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Daaru Salaam ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, qaraxan oo ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso ayaa qabsatay gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen ciidan Milatari ah, xili uu marayay halka loo yaqaano suuqa jaayga, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Inta la ogyahay Shan askari iyo saddex qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado badan oo kamid ah caasimadda.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo dheeraad ah iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga oo ku baxay dhacdadaasi, balse wax war ah kama soo saarin qaraxaasi.

Si kastaba, qaraxan ayaa kusoo aadaya xili xalay ciidamadda amaanka ay deegaanka Ceelasha biyaha ku toogteen nin waday gaari ay ka buuxeen qaraxyo oo uu damacsanaa inuu ku dhibaateeyo shacabka caasimadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More