12 qof oo lagu dilay qaraxyo ka dhacay dalka Pakistan

Mar 05(Jowhar)Ugu yaraan 12 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa ku dhintay, labo qarax oo ismiidaamin ahaa oo Talaadadii ka dhacay deegaan ku yaalla waqooyi-galbeed Pakistan.

Weerarka oo ka dhacay degmada Bannu ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 32 kale, sida ay ilo-wareedyadu xaqiijiyeen.

Tirada dhimashada ayaa la filayaa inay kororto.

Mintidiin ayaa laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku qarxiyay suuq mashquul badan oo u dhaw saldhig ciidan. Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhashay kadib markii dhismayaal ka ag-dhawaa goobta ay ku soo dumeen kuwii ka dambeeyay qaraxa.

Ugu yaraan lix maleeshiyo ayaa sidoo kale lagu dilay dagaal xigay sida ay ilo-wareedyo sheegeen.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegtay in kooxda Jaish Al-Fursaan oo aan caan ahayn ay sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Maleeshiyadan ayaa dhowr jeer beegsaday Bannu.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More