13,000 oo carruur ah oo lagu dilay dagaalka magaalada Gaza

Jan 26 (Jowhar)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in carruurta lagu dilay dagaalka Gaza 15-ki bil ee lasoo dhaafay ay gaarayaan in ka badan 13,000, halka ay qiyaasta carruurta dhaawacmay ay gaartay 25,000.

Xafiiska Iskuduwidda Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii sheegay, in tirada meydadka ilaa iyo hadda la aqoonsaday gudaha Gaza ay taarayaan 40,717 oo Falastiiniyiin ah. Saddex meelood hal meel ayay hey’addu sheegtay in ay carruur yihiin.

OCHA ayaa Jimcihi sheegtay in tirada khasaaraha rasmiga ah ay kasoo xigatay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

Laanta Carruurta ee Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo UNICEF ayaa iyaduna sheegtay, in qiyaasta dhaawacyada carruurta Gaza o ah 25,000 oo canug ay ka kusaleeyeen xogo ay isla ururiyeen iyaga iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

Ku xigeenka danjiraha Britain ee Qaramada Midoobay James Kariuki, ayaa dhawaan u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, in Gaza ay noqotay goobta ugu halisan guud ahaan dunida ee ay carruuri ku nooshay.

Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Aamina Maxamed ayaa sheegtay in ku dhawaad 19,000 oo carruur ah loo dhigay cusbitaallada Gaza nafaqo-xumo ba’an afartii bilood ee ka horreysay Disembar.

Xaaladda Gaza ayaa maalmahan xasilloon, kaddib heshiis xabbad-joojin ah oo ku meel gaar ah oo ay kala saxiixdeen Isra’il iyo Xamaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More