19 xubood oo ka tirsan xisbiga Wadajir ee CC SHAKUUR Warsame oo is casilay

Mar. 06 (Jowhar.com)-Illaa 19 xubnood oo uu ku jiro Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Saciid Goosh ayaa iska casilay xubinnimada Xisbiga Wadajir oo ka mid ah asxaabta Siyaasadda Soomaaliya.

Sida wararku tilmaamayaan, Xubnaha is-casilay ayaa waxay isugu jiraan aas aasayaal, qaar ka tirsan Guddiga Fulinta iyo xubno Xisbiga ka tirsanaa.

Bayaanka ay soo saareen xubnahaan isaga baxay Xisbiga ayaa lagu baahiyey Pageka Facebook ee Wadajir Party, iyadoo Liiskaan ay ka soo muuqdeen siyaasiyiin miisaan leh oo 6-dii sano ee lasoo dhaafay ka soo tirsanaa xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Xubnahan is casilay ma aysan bixin faah faahin ku saabsan sababta ay isu casileen, waxaase jira warar suuqa ku jira oo sheegaya iney hoggaamiyaha xisbiga isku fahmi waayeen go’aanada dowladda ka dhanka ah ee maalmahan ka soo baxayay oo ay ugu danbeysay mudo kororsiga sanadka ah ee loo sameynayo baarlamaanka, madaxweynaha iyo xukuumada oo ui sharci darro ku tilmaamay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More