22 qof oo lagu dilay weerar dhinaca cirka ah oo ka dhacay Sudan
July. 09 (Jowhar.com)-Weerar cirka ah oo ciidamada Sudan ay ku qaadeen caasimadda dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 22 qof tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo saraakiisha.
Haween iyo carruur ayaa ka mid ah dadka la laayay, sida aybsheegeen dad goob joogayaal ah.
Weerarkan cirka ah ayaa subaxnimadii hore ee sabtida ka dhacay degmada Daarusalaam ee Omdurman, oo ku taal daanta ka soo horjeeda wabiga Niil ee caasimadda Khartoum.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa cambaareeyay weerarkii cirka ee lagu dilay ugu yaraan 22 qof oo Sabtidii ka dhacay magaalada Omdurman ee dalka Suudaan, bayaan uu soo saaray aroornimadii Axadda (9-kii July).
Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar cirka ah oo ciidamada Sudan ay ku qaadeen galbeedka Omdurman, wasaaradda caafimaadka ee Khartoum ayaa Sabtidii sheegtay, iyadoo isku dhacyada u dhexeeya kooxaha milatariga ee dalkaas uu galay todobaadkii laba iyo tobnaad.
Iyada oo ay Ciiddanka Gurmadka Degdegga ah (RSF) si degdeg ah u qabsadeen caasimadda Khartoum iyo labada magaalo ee deriska la ah ee Omdurman iyo Bahri ka dib markii uu dagaalku billowday 15-kii Abriil, ciidanku waxay qaadeen duqaymo iyo madaafiic.