29 Falastiiniyiin ah oo lagu dilay magaalada Gaza

Oct 13 (Jowhar)-Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo ay milatariga Isra’il ka geysteen Sabtidi Marinka Gaza lagu dilay ugu yaraan 29 Falastiiniyiin ah, xilli ciidamada Isra’il ay ku sii siqayaan gunta xerada qaxootiga Jabaaliya iyo hareeraheeda oo maalmihi lasoo dhaafay ay howlgallo ka wadeen.

Heyadaha caafimaadka ayaa sheegaya in kumannaan qof ay ku go’doonsanyihiin Jabaaliyah isla markaana ay jirto cabsi ah in marka ciidamada Isra’il halkaasi ka baxayaan ay jiri karaan khasaaro lixaad leh oo soo gaara rayidka.

19 qof ayaa lagu dilay habeenki Sabtida, galka gelinki danbe ee shalayna 10 kale lagu dilay laba duqeyn oo ay ciidanka Isra’il ku bartilmaameedsadeen xerooyinka Jabaaliya iyo Nuseyraat ee bartamaha Gaza. Tirada dhimasahda ayaa laga cabsi qabaa in ay kororto.

Milatariga Isra’il ayaa Sabtidi shalay soo saaray amaro kale oo ay dadka ku nool laba xaafad oo ku yaalla dhinaca waqooyiga Gaza ku amrayaan in ay ka baxaan aaggaasi, iyaga oo u sheegay in xaafadahaasi ay hadda yihiin aag dagaal.

Sannad kadib dagaalka ka socda Gaza ayaa lagu dilay in ka badan 40 kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More