5 Askari oo ka tirsan NISA oo lagu dilay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho
Aug 21(Jowhar)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ah oo saaka lagu weeraray bar kontrol oo ciidanka NISA ay ku leeyihiin deegaanka Tareedisho (KM13) oo ka tirsan degmada Kaxda.
Qaraxa oo loo adeegsaday gaari Surf ah oo uu watay nin naftiis halige ah ayaa bartilmaameedsaday goobta ay ku sugnaayeen ciidanka Nabad Sugida, iyadoo halkaasi khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawacba ah uu ka dhashay.
Dad goobjoogauaal ah ayaa ku warramay iney arkeen dhimashada 5 Askari oo Nabad sugida ah iyo dhaawaca 14 ruux oo kale oo ciidanka iyo shacabba isugu jiray, waxaa sidoo kale jiro dhimasho shacab ah walow aan tirada rasmiga ah wali la helin.
Gaari Cabdi Bile ah oo uu ku xiran yahay qoriga Dhashiikaha ayaa sidoo kale goobta ku gubtay.
Ciidamada amaanka ayaa wada howlgalo baaritaano ah, iyadoo hakad uu galay isu socodka gaadiidka ee wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.