Aabbe carruur uu dhalay ay ku dhinteen weerarkii Liido oo lacag la guddoonsiiyay

Sep 17 (Jowhar)Guddiga Maaliyadda gurmadka Qaran oo kulan ku yeeshay xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA, ayaa maanta deeq lacag dhan 20,000 oo dollar.

Waxa ay ku wareejiyeen Aabbe Maxamuud Cali Daboole oo Saddex Wiil.uu dhalay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay weerarkii Khawaarijta ka fulisay Xeebta Liida billowgii bishii hore.

Saddexda wiil oo ahaaa dhallinyaro aqoonyahano ah mid kamid ah waxa uu ku geeriyooday weerarkaas kaas, halka labada kale oo lagu kala magacaabo Abdullaahi Maxamuud Cali iyo Cabdiraxmaan Maxamuud Cali oo ku kala jira da’aada 20 iyo ilaa 18-sanno weerarkaas uu ka soo gaaray dhaawac aad u culus oo aan dalka waxba looga qaban karin, waxaana maalmaha soo socda guddiga cafimaad dibadda ah ay u qaadi doonaan.

Goobta lacagtaan lagu wareejinaayay waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo qeybaha kale ee guddiga oo ka kooban Culimo, Ganacsato iyo haweenka Qaranka, waxaana ay ugu baaqeen ummadda Soomaaliyeed in ay cawiyaan aabahaan oo wajahaya xaalad adag.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More