Aadan Barre Ducaale oo shaaciyay qorshe uga dagsan Shabaabka kasoo gudba xadka
July. 16 (Jowhar.com)-Wasiirka Difaaca Kenya Aaden Barre Ducaale ayaa sheegay in Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) iyo kooxaha kale ee ammaanka ay kahor-tagi doonaan dhaqdhaqaaqyada la xiriira argagixisanimada si loo xaqiijiyo in dhulka Kenya uu ahaado mid ammaan ah.
Waxa uu u digay kooxda Al-Shabaab, waxa uuna xusay in aan la ogolaan doonin in ay ku dhiiradaan falalka Argagixiso ee ka dhaca dhulka Kenya.
“Maleeshiyaadku waa in aysan gabaad ka helin Kenya marka laga soo saaro Soomaaliya. Ciidamada Kenya iyo kooxaha kale ee amniga waa ay ka feejigan yihiin oo u adkeysanayaan in ay hoos u dhigaan falalka argagixisada la xiriira,” Ducaale ayaa hadalkiisa ku daray.
Waxa uu ballan qaaday in wasaaraddiisu ay sii wadi doonto kor u qaadida awoodda Ciidanka Difaaca Kenya si ay u helaan hub casri ah si kor loogu qaado awoodda ciidanka iyo in ay awood u siiso milatariga in ay la dagaallamaan khataraha amni ee is beddelaya