Aadan Ducaale oo laga qaaday xilkii wasiirka Difaaca loona magacaabay Wasiirka Deegaanka

Jul 23 ( Jowhar.com)-Madaxweyne William Ruto ayaa isbedelo kale ku sameeyay xubnaha Golihiisa Wasiirada iyadoo Wasiirkii Gaashaandhigga Aadan Barre Ducaale loo bedelay Wasiirka Deegaanka halka Wasiirka difaacana laga dhigey Soipan Tuya.
Isbedelkan ayaa la gaarsiiyay afhayeenka baarlamaanka qaranka Moses Wetang’ula,balse lama oga sababta keenay in xilkan haatan laga qaado Aadan Barre Ducaale oo ka mid ah Wasiirada ugu awooda badan leh xukuumada Ruto.

Madaxweyne Ruto ayaa magacaabay 11-ka xubnood ee ka mid ah golihiisa wasiirada.
Ducaale oo is bedelka kadib hadlay ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay xilka uu u soo magacaabay.

Waxa uu intaasi ku daray inuu rajaynayo inuu ka soo bixi doono xilka cusub ee loo magacaabay.”Waxaan rajeynayaa inaan ka shaqeeyo xilkayga cusub,” ayuu yiri Ducaale.

11-ka xubnood ee Golaha Wasiirada ee la magacaabay ayaa hadda sugaya in Baarlamaanka Qaranka uu soo kala saaro.

Ansixinta ka dib ayaa baarlamaanka waxa ay geyn doonaan dhammaan magacyada golaha wasiirada ee la soo magacaabay, kadibna ay ansixin doonaan ama diidi doonaan xubnaha la magacaabay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More