Aadan Madoobe iyo James Swan oo ka wada hadlay xaaladda siyaadadeed ee dalka

Feb 04(Jowhar)Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan.

Kulanka oo looga hadlay arrimo la xiriira wada shaqeynta Golaha Shacabka iyo Qaramada Midoobay, ayaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya waxaa uu bogaadiyay howlaha Golaha Shacabka isaga oo sheegay in Qaramada Midoobay ay ka go’antahay xoojinta taageeradeeda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ergayga warbixin ka siiyay howlaha shacabka gaar ahaan furitaanka kalfadhiga lixaad ee Golaha iyo arrimaha la xariira dhameystirka dastuurka KMG ah, waxa uuna ugu dambeyn bogaadiyay wada shaqeynta ka dhaxeysa Golaha Shacabka iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More