Aadan Madoobe oo dib ugu celiyay Kursigii Abiib Guddiga Anshaxa iyo Xasaanada

Apr 29 (Jowhar)-Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kursiga tirsigiisu HOP#201 dib loogu celiyay guddiga xeer hoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo xasaanadda ee Golaha Shacabka si uu uga soo talo bixiyo dibna uu golaha ugu soo celiyo.
Go’aankan uu gaaray guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa yimid kadib markii Guddoonka Golaha Shacabka iyo kutlad Xildhibaano oo kor u dhaafaya 100 kuwaasoo wada hadallo ku heshiiyay in la xaliyo khilaafka kursiga Xildhibaan Abiib.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyn waxa uu ogolaaday in arrinta Xildhibaan Abiib loo wareejiyo Guddiga Xeer-hoosaadka ee Golaha.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo saaray guddoomiyaha Golaha Shacabka;

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More