Aadan Madoobe oo kulamada golaha shacabka u fasaxay xildhibaano hore looga mamnuucay

Feb 23(Jowhar)Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa xeer uu soo saaray ku fasaxay illaa 15 Xildhibaan oo horay looga mamnuucay ka qeyb galka kulamada Golaha ee kalfadhiga 6aad.

Xildhibaannadan oo ka soo jeeda Jubbaland ayaa horay looga joojiyay kulamada, kaddib markii kulamadii u dambeeyay ee Kalfadhiga 5aad ay fowdo ka sameeyeen, waxaana uu Guddoomiyaha kula dardaarmay Xildhibaannada inay ilaaliyaan Dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii habeen hore heshiis laga gaaray in aan wax buuq ah lagu sameyn hadal jeedinta Madaxweynaha ee furitaanka Kalfadhiga 6aad oo Xildhibaannada Mucaaradka ku hanjabeen, iyagoo ku bedeshay in la fasaxo Xildhibaannada laga joojiyay kulamada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More