Aadan Madoobe oo wadahadal gaar ah la yeeshay safiirka Imaaraatka Carabta

Apr. 02 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Ahmed Jumah Alromaith.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS iyo Danjire Alromaith ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Waxa ay sidoo kale ka wada hadleen sidii loo sameyn lahaa guddi Saaxiibtinimo ah oo ka kooban labada Baarlamaan.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay doorka Isutagga Imaaraadka Carabta ay ka qaateen la dagaallanka kooxda Khawaarijta iyo horumarinta ciidamada Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More