Aadan Madoobe oo xubinimadii baarlamaanka ka qaaday xildhibaan Abiib

Mar 15(Jowhar)Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo tixraacaysa liiska xaadirinta Habdhowraha Golaha ayaa lagu sheegay in Kursiga tirsigiisu yahay 201 oo uu ku fadhiyay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib inuu bannaan yahay, lana faray hay’adaha ay khuseyso inay soo buuxiyaan.

Warqadda Guddoomiyaha ayaa loo cuskaday in Xildhibaan Abiib uusna soo xaadirin laba kalfadhi , sidaas daraadedna uu waayay xubinmimadii Golaha Shacabka.

Hase yeeshee, waxaa xusid mudan in Dr. Cabdullaahi Xaashi Abiib iyo Guddoonka Golaha Shacabka ay ka dhaxaysay xurguf ka dhalatay mawqifyadiisa siyaasadeed iyo dhaleecaynta joogtada ah ee Xukuumadda.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sii xoojinaysay dadaalladeeda ay ku aamusinayso xildhibaannada ka aragtida duwan, waxaana soo noqnoqdqy in Xildhibaanno loo diiday inay u dhoofaan magaalooyin kamid ah dalka sida lagu sheegay mooshin la horgeeyay Golaha oo ay soo qoreen Xildhibaanno matala Jubaland iyo Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More