Aaska Meydadka askartii beesha Xawaadle ee lagu dilay Ceelbaraf oo ka socota Beledweyn
Jan 05 ( Jowhar) Waxaa magaalada Beledweyn ka socoto aas qaran oo halkaasi loogu sameynayo askartii beesha Xawaadle ee ka tirsanaa xoogga dalka, kuwaasoo dhamaadka bishii hore lagu laayay degmada Ceelbaraf ee gobolka Sh.dhexe.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xooggaa is-fahan ah laga gaaray wadahadalada u socday Odayaasha Xawaadle iyo kuwa Mudulood ee ka tagay magaalada Muqdisho.
Meydadka askarta oo Firinjeer ku jiray mudo 10 cisho ah ayaa la isku raacay in la aaso, waxaana aaska ka qeyb galaya taliyaha NISA Sanbaloolshe iyo mas’uuliyiin kale.
Wajiga labaad ee wadahadalka ayaa noqon doono sidio loosoo qaban lahaa dadkii ka danbeeyay falkaasi oo baxsad ah, iyadoo dowladda ay balanqaaday iney cadaalada horkeento gacan ku dhiigoayaashii dilkaasi geystay.
Maxkamadda ciidamada ayaa todobaadkii hore baahisay magacyada 14 ruux oo labo Dumar yihiin oo lala xiriiriyay dilkaasi.