Abiye Axmed “ Awood ayaan dekedo ku qaadaneynaa hadaan nabad wax ku weyno”

July. 31 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa banaanka soo dhigay damiciisa ku aadan in dalkiisa uu helo deked, iyadoo hadalkiisa si aad ah loogu faaqiday warbaahinta caalamiga ah iyo baraha internetka.

Mr. Abiye oo la hadlayay ganacsato iyo maalgashadayaal ka socday dalal kala duwan oo uu dhowr cisho kahor la shiray ayaa sheegay iney qasab tahay in wadankiisa Itoobiya uu helo deked, si uu uga boxo go’doonka uu ku jiro.

Waxa uu tilmaamay iney si awood leh deked ku qaadanayaan, hadii uu fashilmo isku daygooda koowaad oo ah iney si nabad ah ku raadsadaan deked, iyadoo wajigiisa laga dheehan karay dhiiranaan marka uu hadalkaasi lahaa.

“Itoobiya waa in ay heshaa Deked ay u madax banaan tahay. Wado nabadeed ayaan u maraynaa laakiin hadii ay socon waydo Awood ayaan adeegsanaynaa”. Ayuu shirkaasi ka sheegay Abiye.

Si kastaba, Waxaa muddo dheer soo taagnayd hadal haynta ah in Itoobiya damac kaga jiro dakadaha Berbera, Zeylac ama Bulxaar. Iyagoo sameystay ciidamo bada ah, kuwaasoo aan la garaneynin halka ay ka shaqeyn doonaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More