Abiye Axmed oo xafiiskiisa ku qaabilay gudoomiyaha Midowga Afrika

Apr 08(Jowhar)Ra’iisuo wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika  Mahmoud Ali Youssouf.

Bogga rasmiga ah ee xafiiska Abiye ayaa lagu faafiyay sawirrada labada mas’uul iyo waxyaabaha ay diirada ku saareen kulankooda.

Abiye iyo gudoomiye Maxamuud ayaa ka wada hadlay arrimaha ugu muhiimsan ee nabadda iyo amniga gobolka.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xili gudoomiyaha Midowga Afrika uu dhawaan safar hal maalin ah kusoo gaaray magaalada Muqdisho isagoo la kulmay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More