Agaasime Mustaf Dhuxulow oo furay tababar ku saabsan Dhaqan-gelinta Shuruucda HSJ

May 09 ( Jowhar) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa si rasmi ah u furay tababar ku saabsan fahamka iyo dhaqan-gelinta shuruucda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ).

Tababarkan oo ay ka qeyb galeen 42 qof oo isugu jira madax xafiisyo iyo kormeerayaal ka tirsan Waaxyaha Socdaalka, Xudduudaha, iyo Jinsiyadda, ayaa waxa ay ujeedadiisu tahay in fahamka Sharciga Socdaalka, Sharciga HSJ, iyo xeerarka lagu dhaqan-gelinayo.

Agaasimaha Guud oo furay tababarkan ayaa ugu horreyn ka hadlay muhiimadda ay shuruucdu leeyihiin iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in si sax ah loogu dabaqo goobaha shaqada. Sidoo kale, waxa uu xusay in dhammaan shaqaalaha ay waajib ku tahay u hoggaansanaanta shuruucda isaga oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara jebinta iyo ku xadgudubka Shurruucda.

Shuruucda iyo hab-raacyada Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa laf-dhabar u ah in lagu xakameyo dambiyada la xiriira socdaalka, la-dagaallanka tahriibinta dadka iyo xoojinta iskaashiga HSJ iyo wada shaqaynta ay la leedahay Hay’adaha kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More