Agaasimihii Hay’ada Sirdoonka Maraykanka oo is casishay

July 23 (  Jowhar.com)-Agaasimihii hay’adda sirdoonka Maraykanka Kim Cheatle ayaa iska casishay xilkii ay ka haysay hay’addaasi ka dib isku day dil oo lala beegsaday madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump.

Waxay wajahday baaqyo uga imaanayay Dimuqraadiyiinta iyo Jamhuuriga labadaba si ay xilka isaga dagto ka dib markii guddiga Aqalka Hoose ee uu Isniintii dhageystay dhacdada.

Xildhibaanada ayaa aad uga carooday markii ay diiday in ay ka jawaabto su’aalo la xiriira toogashadii ka dhacday isu soo bax ololihii doorashada Trump ee ka dhacay magaalada Butler ee gobolka Pennsylvania horaantii bishan.

“Agaasime ahaan, waxaan si buuxda u qaadayaa mas’uuliyadda habacsanaanta amniga,” ayay ku tiri warqad istiqaalad ah oo ay u dirtay shaqaalaha hay’adda.

Madaxweyne Joe Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu uga mahadcelinayo tobannaankii sano ee ay u adeegaysay bulshada.Mr Biden ayaa sheegay in uu dhawaan magacaabi doono agaasime cusub.

Madaxweynaha ayaa Ms Cheatle u magacaabay in ay madax ka noqoto hay’adda sirdoonka – oo qaabilsan ilaalinta madaxweynayaasha hadda iyo kuwii hore iyo mas’uuliyiinta kaleba – sanadka 2022-ka, waxa ay horay 27 sano uga soo shaqeysay hay’addaas oo ay ka soo qabatay shaqooyin kala duwan.

Muddadii ay wakiil ka ahayd, Ms Cheatle waxa ay ku lug lahayd ka daadgureynta Madaxweyne ku xigeenkii Dick Cheney ee Aqalka Cad intii lagu jiray weerarradii 11 Sebtembar 2001.

Balse hoggaankeeda ayaa su’aal la geliyay kaddib toogashadii ka dhacday isu soo bax uu Trump sameeyay 13-kii Luulyo, halkaasoo ay xabbad dhegta uga dhacday madaxweynihii hore.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo ka mid ahaa dadkii goobta ku sugnaa, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay arkeen nin laga shakisan yahay inuu ahaa Thomas Matthew Crooks oo qori la saaran saqafka kore dhisme aan ka fogeyn halka uu banaanbaxu ka dhacayay daqiiqado ka hor inta aan rasaasta la ridin.

Crooks oo ahaa 20 sano jir ayaa la dilay wax yar ka dib balse illaa hadda lama cadeyn ujeedka ka dambeysay weerarkiisa.
Waxaa goob joog ka ahaa bannaanbaxaasi saraakiil ka kala socotay hay’ado kala duwan oo isugu jiray nabad-sugid.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More