Akhriso magacyada: mas’uuliyiinta loo heysto musuqa ee baxsadka ah

Jully. 06 (Jowhar.com)-Xeer illaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay inay baxsad yihiin 9 eedeysane oo Dowladda Somaliya ku soo eedeysay Musuq maasuq, kuwaasi oo magacyadooda ay kala yihiin.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay in Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyeen liiska 18 eedeysane oo loo heysto musuq maasuq, been abuur document, lunsasho iyo leexsasho xatooyo xoolo dadweynekuwaasoo isugu jira 9 maxbuus oo xiran iyo 9 xubnood oo baxsad ah, kuwaasoo kala ah;

Liiska xubnaha eedeysanayaasha ee Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka u gudbiyay dacwadooda Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Jooge/xiran

1- Cabdulaahi Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqad iyo Arrimaha Bulshada (06-08-2020
2- Maxamed Cadde Mukhtaar Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqad iyo Arrimaha Bulshada (2015 – 2020
3- Cabdullaahi Maxamed Cosoble Agaasimaha Waaxda Ajaaniibta
4- Cumar Macallin Kutiin Agaasime ku xigeenka Waaxda Ajaaniibta
5- Saabir Xasan Cabdi Nuur Madaxa Hubinta Visa kordhinta Waaxda Ajaaniibta
6- Aadan Maxamed Cabdi Maamulaha Qaadasha Visa-ha ee Waaxda Ajaaniibta
7- Abubakar Maxamed Cali Maamulaha Cashuuraha Barigga
8- Cabdiqaadir Cabdi Socdaal (Abtidoon) Khasnajiga qaybta Ajaaniibta
9- Maxamed Aadan Cabdullaahi Maamulaha Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde

Maqane/baxsad

1- Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim Madax-qaybeedka Ruqsansiinta Ajaaniibta ee Waaxda Sharciga iyo xiriirka shaqaalaha.
2- Cabdullaahi Daahir Weheliye Khasnajiga Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde
3- Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim Shaqaale ka tirsan Waaxda Ruqsansiinta Ajaaniibta ee Waaxda Sharciga iyo xiriirka shaqaalaha.
4- Muxiyadiin Xasan Julus (Saabey) Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Barigga
5- Maxamed Idiris Axmed Madaxa Canshuuraha Dadban ee Wasaarada Maaliyadda
6- Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Agaasimihii hore ee Ha’yadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha
7- Cabdiqaadir Cilmi Cali Agaasimaha Guud ee Ha’yadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha
8- C/raxmaan Maxamed Cali Caadle Agaasimihii hore ee Waaxda Ajaaniibta
9- Abubakar Xasan Aadan Madaxii hore ee xaqiijinta Documents-ka Codsiga Visa kordhinta Waaxda Ajaanibta

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More