Akhriso Natiijada Doorashada Saddexda degmo ee Puntland

Jul 26 (Jowhar.com)-Waxaa la shaaciyay magacyada musharaxiinta ku guuleysatey kuraasta doorashadii 23ka bishan ka dhacday degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan.

Doorashada ka dhacday Maamulka Puntland 23kii bishan ee golaha deegaanka saddexda degmo ee Garowe ,Dangoroyo iyo Godobjiiraan ayaa waxaa lagu tartamayay illaa 81 kursi. Waxaana ay kuraasta u kala heleen xisbiyada sidan soo socota;

Xisbiga Kaah oo ugu kuraas badan ayaa helay 28 kursi, 12 kursi waxa uu ka helay Garowe,9 kursi waxa uu ka helay Dangoroyo halka uu Godobjiiraan ka helay 7 kursi.

Xisbiga Horseed oo ku soo xiga ayaa helay 17 kursi Garowe waxa uu ka helay 6 kursi,Dangoroyo waxa uu ka helay 5 kursi halka uu Godobjiiraan ka helay 6 kursi.

Xisbiga Sincad oo ku soo xiga uu ka helay 13 kursi waxa uu Garowe ka helay 5 kursi,Dangoroyo 6 kursi, Godobjiiraan 2 kursi.

Xisbiga Mideeye waxa uu helay 10 kursi, Garowe waxa uu ka helay 2 kursi,Dangoroyo 3 kursi,Godobjiiraan 5 kursi.

Xisbiga Ifiye waxa uu helay guud ahaan 4 kursi Garowe waxa uu ka helay 2 kursi,Dangoroyo 1 kursi, Godobjiiraan 1 kursi.

Xisbiga Runcad waxa uu helay 4 kursi, 2 kursi waxa uu ka helay Garowe halka uu 2kursina ka helay Dangoroyo,

Xisbiga Shaqaalaha waxa uu helay  3 kursi 2 kursi waxa uu kahelay Garowe halka Dangoroyo ka helay 1 kursi.

Xisbiga Mustaqbal waxa uu helay 2 kursi waxaana uu ka helay Garowe.

Guud ahaan 81 xildhibaan ee la doortay ayaa waxaa aad ugu yar tirada haweenka

Degmada Garowe oo ay taalay 33 kursi ayaa lix xildhibaan oo dumar ah ay ku guuleysteen inay kamid noqdaan xildhibaanada golaha deegaanka.

Degmada Dangoroye oo ay taalay 27 kursi  ayaa hal dumar ah ay ku guuleysatay kursiga xildhibaanimo.

Degmada Godobjiiraan oo ay taalay 21 kursi ayaa waxaa 2 kursi ay noqdeen kuwo dumarku ay ku guuleystaan.

Guud ahaan tirade la doortay oo ah 81 xildhibaan ayaa waxaa dumar ka ah 9 xildhibaan halka 72 ay ka yihiin rag.

 

Halkan hoose ka aqriso magacyada Musharaxiinta ku guuleystey doorashada;

 

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More