Akhriso War Murtiyeedka laga soo saaray Shirweynaha Culumada Soomaaliyeed
Jan. 26 (Jowhar.com)-Waxaa manta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socday magaalada Muqdisho 23-26 Jannaayo 2023,iyadoo laga soo saaray warmurtiyeed lix bog ka kooban.
Shirweynaha ayaa qodobada laga soo saaray ayaa lagu bogaadiyay Madaxweynaha Soomaaliya dadaalka uu geliyay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish), wuxuuna ku adkeeyey Dawladda in ay awooddeeda isu geyso ciribtirka fikirka xagjirka ah iyo horumarinta mabaadii’da diinteenna suuban ee ku aaddan ilaalinta xasiloonnida, is- aqbalaadda iyo wada-nolaanshaha iyada oo la kala aragti duwan yahay.
Shirweynaha ayaa sidoo kale isku raacay in Al-Shabaab, Daacish, Shiicada iyo kooxaha la midka ah ay yihiin kooxo habawsan oo ah cadowga diinta Islaamka iyo Ummadda Soomaaliyeed, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.
Shirweynahan ayaa sidoo kale lagu go’aamiyey in aysan bannaaneyn in la faafiyo afkaarta kooxaha Al-Shabaab, Daacish, Shiicada iyo kooxaha la midka ah.
Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa qodobadii la isku raacay waxaa ka mid ahaa in la macaamilka kooxaha Khawaarijta ah, nooc kasta uu yahayba sida xoolo-siinta, garsoor u doonasho iyo in la qariyo qof iyaga ka mid ah, uu xaaraan yahay kana soo horjeedo dhaqanka suuban ee diinta Islaam-ka.
Ugu dambeyn waxa war-murtiyeedka lagu caddeeyey in Culimada Soomaaliyeed oo isku duuban ay Dawladda ku garab taagan yihiin dadaalka ay ku horumarinayso hannaan lagu ilaalinayo diinta Islaamka, islamarkaana ay isku raaceen in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay ilaalinta diinta.