Al-Shabaab iyo ciidanka boolis-milatari oo ku dagaalamay duleedka Muqdisho

July. 20 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar xalay ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaala deegaanka Arbacow ee duleedka Ceelasha Biyaha ee dhaca inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dableyda Shabaabka ah oo si aad ah u hubeysnaa ay weerar toos ah ku qaadeen saldhigaasi ku yaala Arbacow oo ay ku sugnaayeen ciidamada boolis milatari ee lagu soo tababaray dalka Uganda.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay iney maqlayeen Hubka noocyadiisa kala duwan oo ay labada dhinac isweydaarsanayeen, waxaana jiro khasaare ka dhashay dagaalka oo labada dhinac kala gaaray.

Saraakiisha hoggaamisa ciidanka boolis milatari ayaa ku faanay iney iska caabiyeen dableyda soo weerartay oo ay dib u celiyeen, waxaana goobta ku sugan ciidamada dowladda.

Si kastaba, saldhiggan la weeraray ee Arbacow waxa uu kamid yahay saldhigyada ay ciidamada ATMIS ku wareejiyeen ciidamadda dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa mudooyinkan culeys soo saartay magaalada Muqdisho, iyadoo dhawaan weerar toos ah ay ka fulisay degmada Deyniile ku dishay Shan askari, dhowr jeer kooxdan ayaa sidoo kale weerar madaafiic ah ka geysatay caasimadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More