Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday saldhigga ciidanka DANAB ee Galgaduud

Jan. 20 (Jowhar.com)-Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku billowday Qaraxyo ku qaaday deegaanka Galcad oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud halkaas oo dhawaan ciidamada dowladda ay la wareegeen.

Wararka ayaa sheegaya in la beegsaday salgdhiyo ciidamada DANAB iyo Gorgor ku leeyihiin degaanka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo mudo saacad kudhow socday.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay iney la wareegtay xerada ciidanka, iyagoo sheegtay iney khasaare lixaad leh ay gaarsiiyeen ciidankii goobta ku sugnaa oo Gorgor iyo DANAB isugu jiray.

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa la sheegay iney daqiiqado yar kadib ay gaareen deegaanka, iyagoo gantaalo la dhacay kooxdii weerarka soo qaaday, arrintan ayaa yareysay culeys ciidamadda ay kala kulmayeen kooxda Al-Shabaab, iyagoo dib ugu laabtay goobihii ay ka soo weerar tageen.

Shabaab oo dhul balaaran looga qabsaday howlgalka Hirshabelle iyo Galmudug looga xoreynayo, ayaa dagaalkoodii kusoo koobay weeraro gaadma ah ay ku qaadaan saldhigyada ciidamadda, mana muuqato qorshe ay arrintaasi uga hortagayaan ciidamadda dowladda iyo kuwa deegaanka.

Kooxda ayaa weerar gaadmo ah oo qaraxyo ku bilowday ka geysatay Jalalaqsi, Buula-barde, Maxaas, Xawaadleey iyo Galcad, dhamaan weeradraaasi ayaa xili iyo qaab isku mida u dhacay, waxaana lagu dilay askar iyo saraakiil badan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More