Alshabaab oo la wareegtay degmada Biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe
Mar 01(Jowhar)-Kooxda Alshabaab ayaa la wareegtay degmada Biyo Cadde iyo deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe,
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in iskahorimaad kooban kadib oo ay kala kulmeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay Alshabaab u suurtogashay inay gudaha u galaan degmada Biyo Cadde.
Dagaal ka dhacay duleedka degmada Biyo Cadde ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,
Alshabaab ayaa isku sii fidinaya haatana deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe iyagoo hore ula wareegay deegaano ay ka mid yihiin Ceel-Baraf,Caadley iyo deegaano kale.